Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS oo Safar Ku Tagay Magaalada B/weyne

Facebook
Twitter
LinkedIn
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada B/weyne, caasimadda gobolka Hiiraan. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka Ugaas Khaliif, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble iyo odayaasha dhaqanka, Maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada B/weyne, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.
Imaatinka Wasiirka ee magaalada B/weyne ayaa ah kii ugu horreeyay ee wasiirka uu ku tago gobolkan tan iyo markii uu xilka la wareegay.
Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa la filayaa inuu la kulmo qeybaha kala duwan ee Odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeybeheeda kala duwan, isaga oo ka shaqeynaya xoojinta xiriirka Wasaaradda iyo maamullada heer gobol, si looga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan gobolka Hiiraan.
—Dhammaad—
Scroll to Top