WasaaraddaDastuurka ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Madal ay shacabka Soomaaliyeed fursad ugu helaan in looga jawaabo su’aalaha ku saabsan Heshiisyadii Maamulka iyo wadaaga Kheyraadka (Botroolka) iyo Doorashooyinka ee madaxda qaranka ay ku gaareen Magaaladda Beydhabo, kuwaasoo lagu qori doono Dastuurka inta uu socdo dib-u-eegista Dastuurka.
Wasiirka Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta DFS Eng . Cabdirashiid Maxamed Axmed, Ayaa ka Qeybgalay Madal ay shacabka Soomaaliyeed fursad ugu heleen in looga jawaabo su’aalaha ku saabsan Heshiisyadii Kheyraadka (Batroolka) iyo Doorashooyinka ee madaxda qaranka ay ku gaareen magaalada Baydhabo.
Wasiirka Batroolka Eng. Cabdirashiid Maxamed ayaa si qoto dheer u sharxay Heshiiskii Kheyraadka gaar ahaan Batroolka isagoo ka jawaabay Su’aalaha ka imaanayay shacabka ee quseeyay Batroolka.