Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed ayaa xafiiskiisa kulan ku qaatay Sii-hayaha Ergeyga Gaarka ah ee Xogheyaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, 

Facebook
Twitter
LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed oo uu wehlinayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Maxamad Xaashi Carabeey ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Sii-hayaha Ergeyga Gaarka ah ee Xogheyaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, waxayna ka wada-hadaleen arrimo badan oo hortabin u leh dowladda federaalka Soomaaliya, iyo sidii uu xafiiska UNSOM usii wadi lahaa tageerada uu siiyo Dowladda Soomaaliya.

Wasiir Abdirizak iyo Ergayga aya isla soo qaaday dardargelinta dadaallada la xariira dib-u-dhiska Dalka, iyo horumarinta kaabayaasha wax-soo-saarka kheyraadka dabiiciga ah oo saldhig u noqon doona isku-filnaasho dhaqaale oo ay dadka iyo dalka Soomaaliya gaaraan. Qaramada Midoobay ayaa hormuud ka ah dadaallada caalamiga ee lagu garab-istaagayo sidii ay Soomaaliya u gaari lahayd iskufilaasho ay uga maaranto taageerada uga timaado dibadda, Wasiirka ayaa Danjire Swan ku bogaadiyay kaalintiisa ku saabsan fududeynta dadaalladaas.

Wasiir H.E. Abdirizak Omar Mohamer iyo Ergayga ayaa sidoo kale isweydaarsaday aragtiyo ku aadan dowlad dhiska iyo sidii loo sii wadi lahaa guulaha laga gaaray dhanka amaanka, xoojinta tayada hay’adaha dowliga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Scroll to Top