Wasiirka oo ka qeybgalay shirka Afrika Energy Submit

Facebook
Twitter
LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Abdirizak Omar Mohamed iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu qeyb ka yahay Agaasimaga Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Maxamad Xaashi Carabeey ayaa maanta uga qeyb galay Magaalada London Shirka (Afrika Energy Submit).

Shirkan ayaa waxaa qeyb ka ah Dowlada Badan oo Afrika ah, waxaana lagu falanqeeyay horumaradda dhanka Shidaalka iyo Gaaska (Oil & Gas) laga sameeyay.

Wasiirka Iyo wafdigiisa ayaa shirka ku soo bandhigay Xogta Shidaalka Soomaaliya iyo dhamaan heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen , sharciyadda Shidaalka, waxa sidoo kale qeyb ka ahaa warbixintooda horymarada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dhanka Shidaalka iyo shuruucdiisa.

Waxaan ka qayb galnay shirka Shidaalka Afrika oo saddex maalmood ka socday London, wasiirka Batroolka iyo Macdanta dfs, @ AbdirizakOm ayaa ka jeediyay khudbad aad u wanagsan oo si wanaagsan looga hadlay shidaalka iyo gaasla Soomaaliya.
Waxaa ayana si wanaagsan ay u sameeyeen dhammaan xubnaha aan isla soconay isku xirka, bandhigyada iyo dhiirrigelinta howsha.

The Minister of Petroleum and Mineral Resources, Hon Dr. Abdirizak Omar Mohamed, along with the Director General, Mohamed Hashi Arabeey and the CEO of @SPASomAuthority, Eng. Abdulkadir Adan delivered #Somalia’s presentation at #Africa Energies Submit held in #London, on Wednesday.

Scroll to Top