Agaasimaha Guud oo Booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Jaamacadda Benadir

Facebook
Twitter
LinkedIn
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Kheyraatka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamad Xaashi Carabeey ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Jaamacadda Benadir iyada oo ay halkaas kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Jaamacadda Prof. Dr. Mohamed M. Hassan (Dr. Biday) iyo qaar ka mid ah maamulka jaamacada.
Prof. Dr. Mohamed M.Hassan (Dr. Biday) ayaa Agaasime Carabeey uga warbixiyay marxaladaha ay Jaamacadda soo martay iyo sida ay waxbarashada uga socoto xarumaha Jaamacadda ay ka koobantahay, iyo qaybta Geology ga iyo qaybo Master Degree ah ooy soo kordhiyeen dhawaana bilaabayaan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Kheyraatka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamad Xaashi Carabeey ayaa dhankiisa warbixino ka siiyay maamulka jaamacadda Banaadir heerka uu marayo khayraadka dalka iyo sida looga faa’iidaysan karo, sida Wasaaradda iyo jaamacada u wada shaqayn karaan iyo waliba waxyaabaha ay iska kaashan karaan.
Agaasimaha Carabeey ayaa Gudoomiyaha Jaamacadda Dr Biday iyo Dr Fuje uga mahadceliyay soo dhaweyntii iyo warbixinadii kala duwanaa ee lala wadaagay.
Scroll to Top