Munaasabadda Bandhiga waxqabadkaa Xukuumadda ee 2 sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane H.E Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirku-xigeenka Mudane Cabdiwahaab A. Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamad Xaashi Carabeey, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed Mudane Eng: C/qaadir Aadan Tubaako, Xoghayaha hay’adda Battoolka Mudane Abdulkadir Maxamad Diiriye iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweynaha JFS Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Raiisul wasaarahaha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa warbixin ku saabsan waxqabadka wasaaradda Batroolka ka dhageystay wasiirka, iyagoo bogaadiyay guud ahaan howlaha shaqo ee wasaaradaha Xukuumadda Danqaran.