Agaasimaha Guud oo ka qayb-galay Barnaamijyada horumarinta iyo dib-u-habaynta Ganacsiga guud ee Dalka

Facebook
Twitter
LinkedIn
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo khayraadka macdanta XFS Mudane Maxamed Xaashi Carabey ayaa maanta ka qayb-galay wejiga labaad ee loogu kuur-galaayo Barnaamijyada Mudnaanta u leh mashaariicda la xidhiidha horumarinta iyo dib-u-habaynta Ganacsiga guud ee Dalka sida Macdanta iyo Shidaalka Dalka lagu isticmaalo ee Bank-giga Aduunku uu Sanadaha soo socda ka hir-gelinaayo dalka.
Kulanka oo ay ka soo qeyb-galeen madax ka socotay Baanka Aduunka, Wasaaradaha Ganacsiga , Xafiiska Raysalwasaaraha XFS iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda ee ka Shaqeeya arrimaha ganacsiga iyo Masuuliyiin ka socotay ganacsiyada gaarka ah,Waxaana kulanka lagu falan-qeeyay mawduucyo muhiim u ah horumarinta iyo dib-u-habaynta ganacsiga Soomaaliya kuwaasi oo wax weyn ka beddeli doona guud ahaan ganacsiga Soomaaliya isla-mar-ahaantaana suurto-gelin doona in ganacsiga dalkeenu uu la jaan-qaado ganacsiyada Caalamiga ah ee aduunyada.
Scroll to Top