Agaasimaha Guud oo Magaalada Dubai ugu qeyb-galay Shirka Africa Oil Week

Share on facebook
Facebook
Share on google
Google+
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa Magaalada Dubai ugu qeyb-galay Shirka Africa Oil Week 2021 oo Dowladda Imaaraadka Carabta ay Marti-galisay
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi Carabeey oo uu wehliyo Gudoomiye Xigeenka Hay’adda Batroolka Ee Soomaaliya Caa’isha Axmed ,Agaasimaha Waaxda Sharciyadda Batroolka Ee Wasaaradda Xuseen Cali Axmed iyo khubaro ka tirsan Wasaaaradda ayaa Shirka ku matalayay DFS, Sidoo kale Shirka waxaa ka qeyb-galay Khubaro Caalamka ka Socday, madasha ayaa laga sheegay in Soomaaliya ay tahay Dal hodan ku ah macdanta gaar ahaan Shidaalka .
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi Carabeey oo Shirweymaha ka hadlay ayaa tilmaamay in DFS ay diyaarsay Sharciyadda hagaya Hay’adaha iyo Shirkadaha Doonaya in ay qeyb ka noqdaan Shirdaha doonaya Soo Saaridda iyo iib -geynta Shidaalka Dalkeenna.
Sidoo kale Waxaa Gudoomiye Xigeenka Hay”adda Batroolka Soomaaliya Caa’isha Axmed ayaa Shirka ku Soo bandhigtay Fursadaha Maal-gashi ee la Xiriira arimaha Shidaalka ee ka jira Soomaaliya ,halka Khubaradii kale ay soo bandhigeen Geology-ga dalkeenna
Shirkan Waxaa ka qeybgalayay Dalal kala duwan iyo Shirkadaha Shidaalka ee Caalamka
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa wada dadaallo wax ku ool ah oo ku aadan ka faa’iideysiga Kheyraadka Dalkeenna .
Scroll to Top