Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi Carabeey ayaa muqdisho ugu qeyb-galay Aqoon is-weydaarsi Ku Saabsana Yareynta Dhuxusha iyo Kobcinta Isticmaalka Gaaska Cunta , waxaan uu u dhexeeyay Wasaaradaha Deegaanka iyo Batroolka ee Dowlad Gobaleedyada iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS , Waxaa Agaasinka kulanka iska kaashaday Agaasinka Xafiiska Bay’adda ee Raysal Wasaaraha XFS iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ,
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay Wasiiradda matalayay Dowlad Gobaleedyada in ay Kaalinka qaataan dhaqan-galinta Sharciyadda la Xiriira ka hortagga Xaalufinta Deegaanka iyo Kobcinta isticmaalka Gaaska Cuntada , Waxaana uu sheegay in ka Wasaarad ahaan ay dhiira-galinayaan Ganacsatada iibisa Gaaska Cuntada Sidoo kale Wasaaraddu ay diyaarisay Sharciyo kala duwan oo la Xiriira arimahaas.