Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Baatroolka ee Soomaaliya

Share on facebook
Facebook
Share on google
Google+
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn

Sharciga bataroolka waxa uu ku dhammaystirmay fulinta howlihiisa hannaanka ansaxainta  Madaxweynaha  Jumhuriyadda Fedaraalka Soomaaliyeed

Wasaaradda Bataroolka iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya waxay ku dhawaaqday  in uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxammed Cabdullaahi Formaajo uu ansixiyay sharcigaa bataroolka iyo macdantakadib markii aysoo mareen ayna sooansixiyay labada aqal ee baarlamaanka. Ansixinta madaxweynaha uu ansixiyay sharciga bataroolka waa tallaabbo horumar u leh dalka iyo dad ka Soomaaliyeed, taasoo kaalin wacan ka qaadan dooonto horumarka iyo dib u dhiska bulshada.

Sharciga waxa uu xusayaa in shidaalka iyo gaaaska dalka laga helo ay yihiin hantida dadweynahaSoomaaliyeed. Waxa kale uu sharciga xusayaa isagoo xoojinayo heshiiska saami qaybsiga ee dakhliga laga helo kheyraadkaasi , iyadoo  dakhliga  loo qaybin doono dawladda iyo maamulgobaleed yada iyo shacabka soomaaliyeed, iyadoo loo marinayo dawladaha maamul gobaleedyada, si ay uga  faidaystaan jiilal ka soo socda.

Ansixinta  sharciga bataroolka waxa ku xigi doonata waxa ay noqon doontaa in laga galo wada hadallo iyo heshiiska wax wadaagga (Prduction sharing agreement) soo saariidda kheyraadka , shirkadaha ku lug leh sahminta iyo wax soosaarka bataroolka , heshiiska waxa ku xusan   shirkadahaasi qaabka ay u billaabi lahaayeen hawlaha wax soosaarka .Heshiska noocan oo kale ah wax wada qaybsiga  waxa lagu fulin doonaa wadahadallo iyo   shuruuc habaysan  ee labada dhinac ay ku heshiiyaan .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo isagoo ka faalloonaya ansixinta sharciga bataroolkab waxa uu yiri: “Sharciga bataroolka waxa uu muujinayaa awoodda  shacabka Soomaaliyeed  in ay ku midoobi karaan wada shaqaynta iyo dib u dhiska  qaranka iyagoo ka faideysanaya isla markaana taageeraya sharciga lagu hormarinayo bulshada Soomaaliyeed.”

Wasiirka wasaaradda Bataroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirashid Maxamed Axmed isaga oo ka kahadlaya ansixinta sharciga bataroolka waxa uu yiri: “Fursadaha sahminta iyo horumarinta caalamga waa wax wayn, kuwaasoo Soomaaliya ka dhigaya mid ka mid ah dalalka ugu shidaalka badan ee Geeska Afrika. Howlihii sharciyadda lagu fulin lahaa way dhammaystirann yihiin. Waxa aan hadda si aad ah u sugaynaa in aan ku dhaqaaqno sidii aan ugau qancin lahayn howlgalayaasha caalamiga ah, heshiis wadaag wax ku ool ah.”

Media enquires: inquiry@mopmr.gov.so

Sharciga bataroolka waxa uu qeexayaa ujeeedo da sharciga in ay tahay sida soo socota:

  • .Inuu caddeeyo in Soomalida xuquuq u leeedahay sahminta, horumarinta, soosaaridda, isticmaalka iyo maaraynta  kheyraadka laga helo dhulka iyo xeebaha Soomaaliya.
  • .Dadaallda lagu fulinayo illaaa heer kheyraadka bataroolka laga helo Soomaaliya, iyadoo la dhisayo xeerar, shuruuc, habeeya qandaraasyada iyo  dhaqaalaha deegaanka kuwaas oo oggolaanaya fududeynta xagga sahminta iyo horumarinta  wax soosaarka iyo suuqgaynta kheyraad kasta ee dalka laga helo.
  • .Haddii la soo saaro kheyraadka bataroolka ku jira Soomaaliya waxa uu u yeelan doonaa faidooyin badan badan ummadda Soomaaliyeed xagga horumarinta  bulshada.
  • . In la adkeeyo difaaca  xarumaha,  deegannada laga fulinayo wax soosaarka bataroolka.
  • .In la dhiirri geliyo, laguna taageero maalgashiga shisheeye ee hadafkiisu yahay in la gaaro ujeedooyinka kale ee Sharcigaan
  • . In la dhiso  maamulka bataroolka Soomaaliyeed (SPA), maamul awood u leh fulinta  shuruucda bataroolka iyo hawlaha la xariira, kaasoo dabbaqaya mabaadi’da , xeerarka, hufnaanta, wada xisaabtanka iyo sinnaanta.
  • .In la dhiso shirkadda Shidaalka ee Qaranka Soomaaliyeed oo ah hayad  dawladda hoos timaadda ee ka qayb qaadata fulinta howlaha bataroolka ee Soomaaliya.
  • .In loo hoggansamo wax soosaarka caalamiga ah si loo hubiyo hufnaanta iyo wax soosaarka warshadaha iyadoo la adkaynayo maaraynta dhaqaalaha bulshada iyo wada xisaabtanka, iyadoo  la aqooonsanayo in  maaraynta hantida  kheyraadka dabiiciga ah  faaidooyin u leeyihiin ummadda Soomaaliyeed, waxa ay ku xusantahay diiwaaanka dawladda., si dawladda ay uga shaqayso horumarinta iyo dib un dhiska bulshda Soomaaliyeed.
  • . In la hubiyo in si caddaalad ah uu qof kasta oo Soomaali ah xaq u leeyahay isticmaalka dakhliga laga helo bataroolka,, laga soo billabo dawladdii,  jamhuuriyadda dimuqaraadiga Soomaaliyeed, wixii ka horreeyay30 ka bishii December 1990, iyo heshiisyo ay gashay ama samaysay Dawladda  Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliyeed.
Scroll to Top