Ansaxinta Shuruucda Bataroolka waa wajiga cusub ee horumarinta dalka.

Facebook
Twitter
LinkedIn

20 May 2019 – Mogadishu, Somalia. Wasaaardda Bataroolka iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliyeed waxa ay ku dhawaaqday in sharciga Shidaalka Soomaaliya la dhammaystiray, laguna ansixiyay Barlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Waa tallaabbo muujinaysa, kheyraadka dalka, faa’idooyinka ay u leeyihiin horumarka dalka.

Sharciga waxa uu qeexayaa in shidaalka iyo kheyraadka kale ay yihiin hantida ummadda Soomaaliyeed. Haddii lagu guulaysto soosaaridda shidaalka, hantida ka soo baxda waxa ay ummadda soomaaaliyeed ku intifaaci doontaa qarniyo badan. Sharciga shidaalka waxa uu suurtogal ka dhigayaa horumar muddo dheer lagu nagaado, suurtagalna ka dhiga dib u dhiska dalka, kaabayaashiisa kala duwan iyo horumarinta nolosha ummadda.

Sharciga shidaalkii ee sannadkii 2008 ayaa dib u habeyn, ku dar iyo dhimid, lagu sameeyay iyadoo lagu daray qodobbo ku saabsan habka heshiiska lahaanshaha, maamulka iyo dakhli wadaagga ee Dawlad Gobaleedyada iyo Dawladda Federaalka ay ku heshiiyeen.

Baaritaamadii ugu dambeeeyay ,laguna sameeyay dalalka dariska xagga shidaalka, dalalka Seychelles, Madagascar, Kenya, Tanzaaniya iyo Mozambiik marka lagu daro Soomaaliya waxa ay noqonayaan dalalka ugu shidaalka badan ee Geeska Afrika. Baaritaanno la sameeyay waxa qiyaas ahaan la ogaaday in 15 xirmooyaan ay ku fadhiyaan baaxadda dhulgaarayaa75,000 km, waxa la baahiyay 7dii bisha febraayo 2019.

Wasiirka Batarool ka iyo Macdanata mudane Abdirishiid Maxammad Axmed isaga oo ka faalloonaya gudbinta iyo ansaxinta sharciga bataroolka, waxa uu yiri: “Ansaxinta sharciga bataroolka waxa ay furaysaa weji cusb ee horumarinta dalkenna. Wasaaraddayda waxa ay si wanaagsan ula shaqaysay dawladaha maamul gobaleedyada, si ay hore ugu mariso hufnaanta iyo wada qaybsaiga hantida naga soo gasha bataroolka, iyadoo ay dowr weyn ka ciyaari doonta horumar ka dalka.

Waxaaynu ku jirnaa bilowgii safarkeenna, kaas oo noqondoona furaha horumarinta iyo ciribtirka saboolnimada, sidoo kale, waxa kale uu fududeyn doonaa degganaasha dhaqaale iyo dib u dhiska hayadaha dalka. Sharciga Bataroolka waxa ku xusan wada xisaabtanka dawladda iyo dadweynaha, mar kasto, mudnaanta koowaad waxaaan siin doonnaa difaaca deegaannada ilaha dhaqaale in si nabadgelyo iyo ammaan ugu sugnaadaan.” Mariam Hussein Mohammed, la taliyaha xagga sharciga ee hayadda caalamiga ah ee Horumarinta Bangiga Afrika waxa ay tiri: “gudbinta Sharcaiga Bataroolka, wuxuu fududeynayaa horumarinta wax soo saarka kheyraadka Soomaaliya, kaas oo muhim ah, dhaqaalaha bulshada, muddo fog.” Waxaaynu taageeraynaa hindasaha iyo habka dawladda Soomaaliyeed, diiradda saaraya horumarka dhaqaalaha maamul Goboleedyada iyo sidii loo dhimmi lahaa saboolnimada. Horumarinta soo saarka shidaalka waxa ay abuuraysaa xoojinta dhaqaalaha bulshada iyo soo jiidashada maaalgashiga shisheeye.

Scroll to Top